Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabatay Soomaaliya si ay uga wada hadlaan xaaladda dalka iyo waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xafiiska joogo Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaal hore sida Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xasan Cali Kharye iyo Guddoomiyeyaal Baarlamaan sida Shariif Xasan Sheekh Aadan & Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Advertisement

Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin hordhac ah ka bixisay shirkaan ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn kulankaan uu yahay in la wadatashado madaxda xilalka heysa iyo kuwii hore is madashadu uga dhacdo is qancin iyo ka gudubka xaaladaha dalka uu ku jiro waa sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda shirkaan awgii u yimid Muqdisho uga mahadceliyay ajiibitaanka madashaan isaga oo rajeeyay in ujeedka kulankaan laga leeyahay laga gaari doonno marka madaxdu shirto oo is dhaafsiga aragtida miiska lasoo dhigo si loo helo dhabbaha ugu habboon ee xalka noqon kara.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkaan waxaa kamid ah: in Mas’uuliyiintaan ay marka hore iska xog-wareystaan xaaladda Dalka uu taagan yahay, sida looga gudbi karo caqabadaha jira, xoojinta Amniga, la dagaalanka ‘AS’, Dib u eegista Dastuurka, Dimuqraadiyenta, Doorashooyinka Dalka iyo wadajirta madaxda xilalka heysa & kuwii horay usoo qabtay.

Previous articleTurkiga oo Aqbalay in Sweden xubin ka noqoto NATO.
Next articleGanacsatada Soomaalida ee Islii oo dalbaday ciidan u ilaaliya Hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here