Kismaayo, 11,September,2023- Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubaland oo ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Munaasabadda daah-furka Wakaaladda Biyaha Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, xubno kamida Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Xildhibaano heer Federaal ah iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa daah-furka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Wakaaladda, sida xafiisyada, qaybta sheybaarka iyo qeybta keydka Wakaaladda.
Madaxweynaha oo munaasabadda daah-furka ka hadlay ayaa sheegay in Wakaaladda maanta la daah-furay laga leeyahay sadex ujeedo oo kala ah sidii bulshada ay u heli lahayd biyo ku filan oo nadiif ah qiimaha lagu heli karana uu jaban yahay isla markana la gaarsiiyo dadka oo dhan.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay dhamaan madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha oo uu sheegay in ay qabteen shaqo muuqata oo wax ku ool ah.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wakaaladda Tamarta oo dhawaan la hirgalinayo.
DHAMMAAAD.
May be an image of 2 people, suit and carMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and text that says "ADA BIYAHA MoEWR UNAASABADA DAAH-F KAALADA BIYAHA JUE SEPTEMBER 11, 20 KISMAYO, SOMAL"May be an image of 4 people, hospital and daisMay be an image of 4 people, hospital and daisMay be an image of 4 people, hospital and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people, people studying and hospitalMay be an image of 3 people, dais and hospitalMay be an image of 3 people, hospital and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, beard and newsroomVMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, people studying and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people and text that says "MoEWR DHAGAX-DHIGA XAFIISYADA WAKAALADA TAMARTA 1 SEPTEMBER 11,2023 11,2 KISMAYO, SOMALIA"May be an image of 8 people, hospital and text
Previous articleDaba-geed oo maanta la kulmay shacabka Moqokori+SAWIRRO
Next articleWareysi Tvga Dayniile la yeeshay Siyaasiga Xaashi Cabdule Abikir oo ku sugan difaaca hore Dagaalka Degmada Wabxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here