Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

Wafdiggaan oo ka socday taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa gaaray Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab iyo tageerada howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan dagaalka Al-Shabaab ayna dhawaan qaadi doonaan howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka.

Shalay aheyd markii Magaalada Kismaayo uu gaaray taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed wuuna la kulmay Madaxweynaha Jubbaland.

Office Nairobi kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here