Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay guddoomiyey kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada ka socda deegaanada Jubbaland ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana uu Madaxweynahu warbixin la xiriirta shaqada socota ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga maamulkaas General Yuusuf Cismaan Dhuumaal iyo taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Hay’adaha amniga Jubbaland.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgallada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Al-Shabaab looga hor wareejin lahaa shacabka.

Previous articleQarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Saraakiil ku geeriyootay
Next articlePutin oo Digniin kasoo saaray taageerada Reer Galbeedka ee Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here