Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam kulan uu kula qaatay  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM  Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo sarakiisa ka socotay AMISOM ay ka wada hadleen  howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.

Sidoo kale Madoobe iyo Saraakiisha ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Office Nairobi kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here