Madaxweynaha Kenya William Ruto oo xalay isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada ayaa badalay Wasiirkii arimaha Dibada isagoona u badalay dhanka Dalxiiska.

Madaxweynaha Kenya ayaa intii uu waday isku shaandheynta wuxuu ku soo daray magacaabista danjirayaal uu u magacaabay dalal dhowr ah waxaana ka mida ahaa Dalka Soomaaliya.

Advertisement

Arinta la yaabka lahayd aad-na loo hadal hayo ayaa ah Madaxweyaha Kenya inuu Dowlada Soomaaliya usoo magacaaay laba Safiir markii uu Maamulka gooni goosadka Somaliland uu u soo magacaabay Safiir.

Sidoo kale Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayuu usoo magacaabay nin Kenyaan ah inuu u fadhin doono Dalkeena Soomaaliya.

Maamulka Somaliland wuxuu u magacaabay C/weli Maxamed Xuseen nin la dhaho oo loo maleynayo inuu yahay Somali Kenyaan kaasoo Hargeysa loo direy.

Maaha markii ugu horeysay oo Dalka Kenya uu ku xad-gudbaayo madax banaanida Soomaaliya, hore ayayna sidaan oo kale ugu xadgudbeen khilaaf badana u dhalisay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILEE.COM

Previous articleDanjiraha Soomaaliya ee Itoobiya oo la gudoonsiiyay waraaqaha aqoonsiga+Sawirro
Next articleGolaha Wasiirada oo goor dhaw ansixiyay laba xeer oo Muhiim ah+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here