NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Kenya ayaa si kulul uga hadlay banaabaxyadii rabshadaha watay ee maalmo ka hor ka dhacay dalkiisa qeybo ka mida sida Mombasa iyo Nairobi isagoo si qiireysana ula hadlay shacabkiisa .
Madaxweynaha oo ay ka muuqatay inuu ka walwalsan yahay dhabaha dalkiisu ku socdo oo uu kuba tilmaamay mid bur bur horseeda kara xili uu xasuusiyay shacabka dalkiisa in dalku dadka ka dhaxeeyo oo uusan isagu Ruto ahaan lahayn dalka ayna tahay in la wada ilaashado Dowladnimada.
Madaxweynaha oo wal wal badan uu ka muuqdo kana soo jilcay sidii ad-adkeyd ee uu u hadli jirey ayaa is weydiiyay su’aalo ku socda hogaamiyayaasha dalkiisa.
“waxaan doonayaa inaan weydiiyo hogaamiyayaasha Kenya sida kuwa diimaha iyo kuwa siyaasada yaa dhiiri gelinaya dhaq-dhaqaaqyadaan geysanaya fadqaladaha fowdada iyo burburinta, waa maxay qorshahaada,waxaad u sheegeysaa dhalinyarada inay wax kasta dab qabadsiiyaan,waxaad ku dhiirigelineysaa inay gaystaan fowdo hadaba maxaa dhici kara , xageen u soconaa” ayuu yiri Madaxweynaha kenya
“kuwaani waa su’aalo aan u baahanahay inaan ka jawaabno hadaa nahay kenyan, sababtoo ah hadii aan jihadaas qaadno dalkaani ma sii jiri doono ,haa dalkaan malaha Wiliam Ruto ,dalka anagoo dhan ayaa leh ,hadii uusan jirin wadan uu leeyahay Ruto,sidoo kale ma jiro wadan aad adigu leedahay”ayuu mar kale yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay Kenya inay noqdaan dad runta ka sheega naftooda oo daacad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM

