NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweyanaha Dalka Kenya Wiliam Ruto ayaa si adag oo hanjabaad u ahayd ula hadlay shacabka abaabulayaasha ka ah banaan-baxyada rabshadaha wata ee Kenya laga sameeyo kaasoo Dowlada looga soo hor-jeedo.
Ruto oo u muuqda inuu aad uga careysan yahay banaan-baxyadaan bishiiba mar la sameynayo ee hantida shacabka lagu boobayo sidoo kalana xarumaha Dowlada lagu burburinaayo ayaa markan ereyo adag oo hanjabaad ah kula hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo banaan-baxayaasha labadaba.
Ruto wuxuu sheegay Kenya ay noqoneyso meel amaan ah islamarkaana hantida shacabka lagu nabad-geliyo.
“ciidamada booliiska waxay qabsan doonaan shaqadooda, awood ayayna u leeyihiin, tababar ku filana way leeyihiin, sharciga ayaana u ogol inay la taacaalaan tuugada hantida dadka gubeysa ee dhaceysa” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya waxaa warkiisa loo qaadan karaa in markaan Booliisku si adag ula dagaali doonan banaan baxayaasha halka markii hore booliisku xoogaa isku dayayeen inay shacabka si degan u maareeyaan.
“Ciidamada Booliiska jawaab ayay siin doonaan kuwa dhacaya hantida shacabka”ayuu yiri mar kale Madaxweyne Ruto.
Dhanka kale mar uu la hadlayay siyaasiyiinta mucaaradka ayuu ugu baaqay inay doorashada isku diyaariyaan sanadka 20027-ka.
“siyaasada waa naqaanaa, ma waxaa jirta siyaasad hada naloo sheegayo, hadaad tartan dooneysaan waqtigeeda hala gaaro doorashada dhici doonta 2027-ka ,qorshihiina la imaada anagana waa la imaaneynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
