Madaxweynaha Dawladda Kenya mudane William Ruto ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomya qasriga madaxtooyada dalkaas madaxweyne William Ruto.
Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa wadda wanaagsan u jeexi doonta xiriirka labada Dowladood,maadaama uu yahay shaqsi galaangalka xoogan ku leh Kenya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray waddo horay loogu sii qaaday xasilooni siyaasadeed,waxaana magacaabista Jabriil Ibraahim Cabdulle si wayn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais, the Oval Office and text
Previous articleDoorashada Puntland oo weji cusub yeelatay kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka
Next articleSaciid Dani oo u gud-biyay Golaha wakiilada soo saarista lifaaqa 5-aad ee Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here