Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen wyaa hoyga uu ka degan Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh  Cabdiraxaman.

Kulanka oo isugu jiray qada sharaf iyo kala warqaadasho, ia markaana saacado qaatay waxay iska xog-wareysteen Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqashada uu ugu yimid iyo kulanka ay yeeshee.

Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here