Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu halkaas ku qaabilay saraakiil ka socotay howl-galka AMISOM iyo Ingiriiska, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb-galay shirka golaha amniga maamulkaasi oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed.

Intii socday kulankan ayaa waxaa lagu soo qaaday xaaladaha ammaanka ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ammanka oo warbixin laga dhageystay ayaa xusay inay labo jibaareen inta lagu guda jiro bisha Ramadaan howl-gallada lagu sugayo amniga.

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here