Madaxweynaha dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amniga inta badan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose maka laga reebo kuwa ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay sameeyen howlgallo kala duwan, tasina ay suurto gelisay in Ciidamada gacanta ku dhigaan degmooyinka Shabeellaha Hoose, balse kaliya ay u harsan yihiin degmooyinka Sablaale & Kuntuwaareey oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne laftaagreen ayaa sheegay in wadooyinka qaar ee Gobolka Shabeellaha Hoose aan la isaga kala gudbi Karin, wuxuuna Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose & kuxigeenkiisa ka dalbaday inay keenaan qorsho la isugu furaayo waddooyinka Gobolkaas.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu sheegay xilli ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay Maamulka Cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here