.Sida uu baahiyay TV-ga Qarnka Soomaaliyeed Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maamulka ayaa la isaga Xog-Waraystay Sidii loo Xoojin lahaa Wadashaqaynta maamulka iyo Hay’adda UNDP.
Advertisement
Madaxweyne Lafta-Gareen oo xubnaha Golihiisa Wasiirada markii hore dalka ku soo dhaweeyay wafdigaan caalamiga ah ayay isla meel dhigeen xaalada dalka halka uu marayo.
Labada dhinac waxay isla garteen sidii wada shaqeyntoodu u noqon lahayd mid joogto ah.
XAFIIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM
MOGADISHU-SOMALIA