Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda soo qadimay cududaar ah in uusan usafri Karin magaalada Muqdisho ee caasumada dalka, isagoo aan sheegin sabab macquul ah oo kuwajahan ka baaqsashada shirka madaxda dawlad gobaleedyada iyo dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa todobaadkii u dambeeyey dadaal badangalinayey sidii ay iskugu imaan lahaayeen Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo fulinaya heshiis hoosaad ay Garoowe kusoo gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay xaqiijinayaan ilo waredyo ku dhaw-dhaw Siciid Deni, wuxuu u sheegay Madaxda dawladda Faderaalka in ay arrimo badan u yaalaan Garoowe, uuna shirkan oo labo maalmood ah kaga qeybgali doona Aalada Fogaan-araga, taas oo ay qaar kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada saluugmo ka muujiyeen.

Haddii Siciid Deni shirkan ka baaqdo ayaa ka dhignaanaysaa in uu saluug-mo weyn ka qabo sida ay Madaxda dawladda Faderaalka u fulin karaan wax kasta oo lagu heshiiyo, hanaanka maqnaanshihisa ayaana ka dhigan in uusan ku faraxsaneyn qabsoomida shirka uu dadaalka galinayay.

Axmed Madoobe ayaa tagay Muqdisho goor dhaw, iyadoo lasugayo madaxda kale ee dawlad gobaleedyada, inkasta oo uusan wali tagin halkaas Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo la aaminsan yahay in uusan wanaagsaneyn xariirka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

Shirkan, waxaa hareyn doona doodaha iyo mawqifyada ay dhinacyada kala qabaan, waxaana Ajendihiisa lagu soo koobay sadex qodob sida aan ogaanay oo kala ah Amniga, dhaqaalaha & Siyaasadda, waana kuwa ay adag tahay in ay dhinacyadu si wadajir ah uga gudbaan iyagoo isku faraxsan, balse ay dhici karto in Kabuubiso siyaasadeed la galiyo marxaladda ama Warsaxaafadeed iska caadi ah lasoo saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here