Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa shalay yeeshay Shir lagaga arrinsanayey Xaaladda Abaaraha dalka ka jira oo sii adkaanaya, kuwaasi oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadka reer miyiga ah, Xoolaha, Biyaha iyo baadkaba. gaar ahaan Gobollada ku teedsan Gubanka, min Galbeed ilaa Bari.Kulankan waxa lagaga wada hadlay sidii xog sugan looga heli lahaa si dhab ahna loogu qiimayn lahaa heerarka waxyeelada Abaaraha dhammaan Gobollada dalka, gaar ahaan Gobollada ku teedsan Gubanka ee Gobalada Selel, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.
Sida oo kale, kulankani waxa uu daarrnaa isu-dubba ridka dedaallada Gurmadka Abaaraha ee ay Xukuumaddu waddo iyo dejinta Qorshe Qaran oo Dhammaystiran oo wax lagaga qabanayo Abaaraha inagu soo noq-noqday, haatan iyo mustaqbalkaba.
Madaxweynuhu waxa uu warbixin faah-faahsan ka dhegaystay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo Gobollada Selel iyo Awdal ku tagay kormeer ay ugu kuur galayeen xaaladda Abaaraha. Wasiirradu waxa ay Golaha u sheegeen in degaannadii ay booqdeen ay ku soo arkeen xaalad nololeed oo aad u adag, waxana ku habsaday Abaaro ba’an oo khatar weyn ku haya nolosha dadka iyo duunyadaba.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka ugu habboon ee degaanadda ay abaaruhu ku habsadeen loogu gurman karo, biyo, cunto, iyo daawana loola gaadhi karo dadka iyo duunyada tabaalaysan.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in Gurmadka iyo Gargaarka bulshada ay abaaruhu haleeleen ay masuuliyadda koowaad saaran tahay Xukuumadda, sidaa darteedna loo baahan yahay in aynu kaga jawaabno gurmad midaysan iyo dareen-wadareed ummadnimo oo aynu ku bedbaadinayno dadkeena tabaalaysan.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in marka koowaad aynu Allah SWT isku xidhno, barino, gargaarna waydiisano in uu Abaaraha innaga dul qaado. Marka labaadna, in aynu innagu ummad ahaan isku tashanno, dhammaan Hay’adaha Qaranka JSL, Ganacsatada, Culimada, Dadweynaha iyo Qurbe-joogtu gacmaha iyo quluubtana furno, oo aynu u midowno Gurmadka Abaaraha ee dadkeena tabaalaysan.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝







