HomeWarkiiMadaxweynaha Maamulka Somaliland oo sheegay in muda xileedkiisa ay aqoonsi heli doonaan

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo sheegay in muda xileedkiisa ay aqoonsi heli doonaan

BER-BERA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shacabkiisa wuxuu niyada ugu dhisay in aqoonsi Dowladnimo ay heli doonaan inta lagu jiro muda xileedkiisa xili bilo yar uu joogo xafiiska.

Cirro wuxuu reer Somaliland u sheegay in mar dhaw war ay ku farxaan ay maqli doonaan,wuxuu carabka ku adkeeyay inay rajo badan qabaan islamarkaana uu balanqaadyo badan ka helay qaar ka mid ah dalalka dunida taasoo ay inay aqoonsan doonaan Somaliland.

C/raxmaan Ciiro wuxuu sidoo kale sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta nabadda iyo midnimada shacabka reer Somaliland xili uu xalay magaalada Berbera kulan kula yeeshay waxgaradka gobolka Saaxil.

“dhawr iyo soddon sano ayaynu ka shaqaynaynay in aynu Somaliland iibino , wax badana waa qabsoomeen aniga hortey laakin aniga ayaa dhamaystiri doono hawshaas”ayuu yiri C/ramaan Ciro

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 2 people, dais and text

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -