HomeWarkiiMadaxweynaha Maamulka Somaliland oo shir Caalami kaga qeyb-galay Magaalada Dubai+SAWIRRO

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo shir Caalami kaga qeyb-galay Magaalada Dubai+SAWIRRO

Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa goor dhaw bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inuu shir caalami ah kaga qeyb-galay Magaalada Dubai ee Xarunta Dalka Imaaradka Carabta.
Ciro wuxuu sheegay in shirkaani yahay madal caalami ah oo isu keenta hoggaamiyeyaal dawladeed, khubaro iyo hay’ado caalami ah,wuxuu xusay C/raxman Cirro in shirkaan looga hadlay mustaqbalka hoggaaminta, hal-abuurka, tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta nidaamyada dawladnimo.
Haddaba C/raxmaan Cirro qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan ka daawo:-
Waxa aan sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay World Government Summit oo ka qabsoomay magaalada Dubai.

Shirkani waa madal caalami ah oo isu keenta hoggaamiyeyaal dawladeed, khubaro iyo hay’ado caalami ah, si qoto dheerna looga wada hadlo mustaqbalka hoggaaminta, hal-abuurka, tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta nidaamyada dawladnimo ee waara.

Waxaa sharaf weyn ii ah, anniga oo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muujinaya doorka ku aaddan horumarinta dawladnimada, maamulka hufan, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, in aan kulammo midho-dhal ah la yeelanay hoggaamiyeyaal, maal-qabeenno, iyo daneeyayaal caalami ah oo muujiyey xiise dhab ah iyo diyaar-garow ay ku maal-gashadaan Jamhuuriyaddeenna Somaliland.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of daisMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎ارتفع 2X من بأكثر واحد قرن خلال Global life has more than doubled in one century العمر متوسط عالمياًّ المتوقع‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and crowdMay be an image of one or more people, dais and text that says "RESERVED"May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of lighting, crowd and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -