Washington (dayniiile.com)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si cad ugu sheegay dunida in Mareykanka uu xili kasta taageero diyaar ula yahay Dalalka Yukreyn iyo Israa’iil islamarkaana ay taasi iyaga muhiim u tahay.

“Israa’iil iyo Yukreyn inay Dagaalada guulo ka gaaraan waa arin muhiim u ah amniga Mareykanka”   ayuu yiri Biden

Advertisement

Biden wuxuu intaasi ku daray inay codsi dhaqaale u gudbin doonaan Congress-ka kaasoo ah 100 Bilyan si ay dagaalada labadaasi dhinac isaga dabaraan,wararkaan lacagta la xiriira ayaa intaasi ku daraya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gudbin doonaan dalbashadeeda, sidoo kale Taiwan qorshaha ayay ku jirtaa.

Joe Biden wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlada Ruushka Putin iyo Xamaas a inay heshiis ku yihiin burburinta wax uu ku sheegay dimuquraada’

Mar uu si sarbeeb ugu hanjabaayay Ruushka ayuu tilmaamay in hadii dagaalada hada jira ay sii qota dheeraadaan in dagaalku meelo hor leh uu ku fidi doono.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCudurka HIV/AIDS oo laga helay kumanaan Soomaali ah
Next articleMaamulka Somaliland oo si kulul uga jawaabtay aqoonsiga Maamulka SSC Qaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here