Madaxweynaha Mareykanka oo si adag uga hadlay Dilka Ninka Madoow

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si adag uga hadlay dilkii argagaxa lahaa oo sargaal cadaan ah oo katirsan booliiska magaalada Minneapolis u geestay nin madow ah oo kamid ahaa bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Trump ayaa Musiibo iyo wax laga naxo ku tilmaamay dilkii sargaalka booliiska u geestay George Floyd oo ahaa nin shacab aan hubeysneen, waxa uuna tacsi u diray ehelada ninka ku baxay acanta ciidanka booliiska.

Madaxweynaha Trump ayaa ugu baaqay saraakiisha baaritaanka gacanta ku haysa iyo waaxda Cadaalada dalka Mareykanka in baaritaanada ay wadaan marka ay soo gabo gabeeyaan in ay  qaadaan talaabo deg deg ah.

”Waxaan ka codsaday FBI-da iyo waaxda cadaalada in ay si wanaagsan u wadaan baaritana dhacdadan musiibada ah, waxaana ka codsaday baaritaanada kadib in talaabo adag la qaado,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dilka sargaalka Cadaanka ah uu u geestay ninka Madowga ahaa ayaa caro badan abuuray gudaha Mareykanka, waxaana magaalada Minneapolis oo falkan ka dhacay ka socda banaan baxyo rabsho wata ay dhigayaan dad u badan madow.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here