HomeWarkiiMadaxweynaha Mareykanka oo u hanjabay Hoggaamiyaha cusub ee Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka oo u hanjabay Hoggaamiyaha cusub ee Venezuela

Donald Trump oo ah Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa hanjabaad hawada u mariyay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela taasoo ah Haweeneyd ay si kumeel gaar  ah loogu dhiibay Hogaanka dalka Venezuela kadib markii Madaxweynihii Dalkaasi Maduro dhawaan ay cidmada Mareykanku ka qabteen isagoo dalkiisa ku suagan.

Madaxweyne Trump  wuxuu si cad ugu sheegay hoggaamiyaha cusub ee Venezuela, Delcy Rodríguez  hadii aysan sameyn waxa saxda ah ay la kulmi karto wixii ku dhacay Madaxweynihii dalkaasi Maduro oo Mareykanka dhawaan doonayan inay Maxkamad soo taagaan.

Inkastoo Mareykanku doonayo saliid ama shidaal badan oo ku jira dalka Venezuela hadana waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha ay xooga ku afganbiyeen ee Maduro inuu ka ganacsado daroogada iyo hubka.

Si kastaba iyadoo Mareykanku shaaciyeen in isniinta Maxkamad uu ka soo muuqan doono Madaxweynihii Venesuela Nicolás Maduro hadana Milateriga dalkaasi oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Mareykanka inay soo celiyaan Madaxweynahooda oo ay u kaxaysteen Magaalada New York.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMTrump warns Venezuelan V-P Delcy Rodriguez will pay a 'very big price' if she doesn't cooperate | The Straits Times

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -