HomeWarkiiMadaxweynaha Masar oo muujiyay inuu dhamaaday xurguftii kala dhexeysay Itoobiya

Madaxweynaha Masar oo muujiyay inuu dhamaaday xurguftii kala dhexeysay Itoobiya

 QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa ka hadlay khilaafkii kala dhexeeyay Itoobiya ee ka dhashay wabiga Niil oo Itoobiya biya xireen u sameysatay wuxuuna sheegay markii ugu horeysay inuusan jirin wax dhibaato ah oo hada ka dhex jira iyaga Itoobiya.

Madaxweynaha Masar wuxuu hadalkaani kaga dhawaaqay shirka heer Wasiir ah oo ka socda dalkiisa kaasoo ah Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

“Masar ma qabto wax dhibaato ah marka laga reebo in ay Itoobiya heshiis sharci ah la gasho oo khuseeya biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya” ayuu yiri Madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi

Sidoo kale Al-Sisi wuxuu ka carabka ku adkeeyay in kaliya danta ay leeyihiin uu  yahay in aan lagu xad-gudbin xuquuqdooda ku aaddan webiga Niil.

Warkaan u muuqda in la labada dal n isku soo dhawaadeen ayaa  ku soo aadaya xili horey Dowlada Masar ugu celcelin jirtay inaysan wax gorgortan kala geli doonin Itoobiya arinta wabiga Niil oo ay diyaar u yihiin inay danahooda ilaashadaan taasoo macneehu ahaa dagaal madaama sida ay sheegeen sanado badan ay guuldareysteen wada hadal ay kula jireen Itoobiya

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -