Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya ayaa Khudbad oo ka jeediyay kaga hadlay hindisaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka degdegga ah ee Midowga Yurub in loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi.

“Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab.

Advertisement

Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinnay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.”

Previous articleQaramada Midoobe oo ka hadashay xurgufta ka dhex jirta Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here