MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumada Somalia.Madaxweynaha ayaa garbihiisa taagnaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdulqaadir Cali,Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir iyo Taliyaha Booliiska Somalia Asad C /laahi.
Dhagax dhiga Madaxweynaha ee dhismaha xarunta Wasaarada dhalinyarada ayaa ku soo aadeysa xili maanta loo dabaal degayay maalinta 15-ka May ee dhalinyardii xornimadoonka Somalia ee SYL kuwaasoo la aas aasay sanadkii 1943-kii.
‘
Wasiiro iyo qeybaha bulshada ayaa iyaguna maanta ka muuqday xuska loo sameeyay maalinta 15-ka May.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM




