Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka.
May be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people and car
Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo maanta qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay+SAWIRRO
Next articleWAR DEG DEG AH: Howlgal Drons ay fulisay oo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here