HomeWarkiiMadaxweynaha oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 82-aad ee aas'aaska Booliiska Soomaaliya+SAWIRRO

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 82-aad ee aas’aaska Booliiska Soomaaliya+SAWIRRO

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka socota Xarunta Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku sugan masuuliyiin kala ah Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag , Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Janaraal Odowaa Yusuf Rage, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan, marti sharaf, wufuud heerar kala duwan ah.

Munaasabaddan oo ah mid xambaarsan qiimo qaran iyo xusuus taariikhi ah, ayaa si weyn loogu diyaargaroobay, iyadoo lagu muujinayo halgankii, dadaalkii iyo horumarka uu soo maray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed tan iyo aasaaskii sanadkii 1943-kii.

Waxaa la filayaa in munaasabadda lagu soo bandhigo tababbarro ciidan, gaardisyo iyo dhoolatusyo ka tarjumaya kartida, anshaxa, iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday.

Xuskan heer qaran ah ayaa qeyb ka ah xoojinta xusuusta taariikhiga ah ee Booliiska iyo dhiirrigelinta dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of textMay be an image of dais and text that says "A 함 20 ISPFS2 굿은 S/"May be an image of dais and text that says "0 ١۱= JÔH OH"May be an image of one or more people and textNo photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.May be an image of textMay be an image of textMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -