Muqdisho, Feberaayo 14, 2024; Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta Madaxtooyada Qaranka uga qayb galay Munaasabad lagu shaacinayay 40 Arday oo ku guuleystay waxbarasho bilaash ah oo heer PhD ah ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, si ay bilow ugu noqdaan Jiil dadkooda uga faa’iideeya soo saarista kheyraadka ka buuxa Baddeenna.

Ardaydaan oo qayb ka ah, 100 Arday oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u ballan qaaday deeq waxbarasho oo heer PhD ah ayaa barandoona Afar daraasadood oo kala ah.

Advertisement

1. PhD: Culuumta xaalufinta dhulka iyo nabaad guurka
2. PhD: Culuumta Dhaqaalaha iyo Amniga Badaha and Marin-biyoodyada
3. PhD: Culuumta Hogaaminta iyo Horumar Waara
4. PhD; Culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarinta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dardaarmay ardayda ayaa yiri “Anaga oo leh Badda ugu weyn Afrika suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoon Culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha, waxaana la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon si aad dadkiinna uga haqabtirtaan soo saaridda kheyraadka Badahooda.”

Mashruucan oo ay fuulintiisa iska kaashanayaan Jaamacadda Nabadda ee Qaramada midoobay (UPEACE) iyo Hay’adda kheyriga ee Qatar (Qatar Charity) ayaa qayb ka ah qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka iyadoo oo ay fursaddan ka faa’ideysanayaan Jaamacadaha dalka, hay’adaha dawladda Federal iyo kuwa Dawlad-goboleedyada.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta.

Previous articleDowlada Turkiga oo cadeysay inay difaaceyso Badda iyo Madax-banaanida Somalia
Next articleHalkee buu ku maqan yahay Raysal wasaare Xamse,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here