Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Advertisement

Previous articleSedexda Taliye oo maanta ka wada hadleen amniga
Next articleGud. Aadan Madobe oo la kulmay Hay’ado UN-ka tirsan+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here