Muqdisho, Febaraayo 09, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka, isaga oo Wasiir kasoo noqday Wasaarado kala duwan, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilalka Taliyiha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka ayaa Alle u weydiiyay samir iyo iimaan, marxuumkana hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows.

Dhamaad

Previous articleXildhibaan Xaadoole oo si kulul uga hadlay askari dad ku laayay nawaaxiga xerada Hiil-weyne
Next articleInjineero ka socda Dekadaha Jabuuti oo maanta soo gaaray Magaalada Hobyo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here