Garowe (dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland  Saciid C/laahi Dani ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Puntand ayaa la soo sheegayaa inuu go’aan-kaan qaatay  kadib kulankii uu Garowe kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.
War laga helay dhanka Qaramada Midoobe ayaa lagu shaaciyay in Saciid Dani hada diyaar u yahay inuu la fadhiisto Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana la xaliyo xrgufta u dhexeysa.
Sida Siyaasiyiinta Soomaalida lagu yaqaan marka saan la isu khilaafo waxaa cadaadis uu kaga yimaadaa dhanka Besha Caalamka iyo Qaramada midoobe iyadoo markaas kadib siyaasigu dabacsanaan muujiyo.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka maqnaa kulamadii ugu danbeeyay ee ay yeesheen Golaha Wada-tashiga Qaran iyadoo heshiisyo iyo warmurtiyeedo laga soo saaray.
Si kastaba ma cada waqtiga uu dhici doono kulanka Saciid Dani iyo Xasan Sheekh iyo goobta uu ka dhici doono Garowe mise Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here