GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa la sheegay inuu dib u dhigtay dhismaha Golaha Wasiirada Maamulka Puntland si uu fuliyo qorshayaal ka horeeya.

Sidiid dani waxaa u qorsheysan inuu marka hore xaliyo khilaafaadyadii dhanka siyaasada ka dhashay gaar ahaan siyaasiyiinta isaga ku kacsan oo uu rabo inuu la heshiiyo kadina uu Wasiirada soo magacabi doono.

Advertisement

Warar kale oo ku dhaw dhaw Saciid Dani ayaa sheegaya inuu Xaflada Caleema saarka kadib uu booqan doono dalal dibada ah halkaasoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan,wararka qaar ayaa sheegaya inuu dalxiis iyo nasasho u tagayo halka warar kalana sheegayan inuu xiriirka dibada arimo ku saabsan uu u tagayo dalal uu dan ka leeyahay.

Talaabooyinka xalka uga baahan waxaa ugu muhiimsan inuu xaliyo Taliska Ciidamada Kumaandooska Puntland oo gabi ahaanba xaaraan ku tilmaamay dib u soo doorashada Madaxweyne Saciid Danni.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo Maanta qaadeysa Dacwad musuq maasuq oo loo heyso Masuuliyiin Dowladeed
Next articleXOG: Dowlada Imaaraatka oo la safatay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here