Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.

Madaxweynaha  Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabista Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Cabdinaasir Maxamuud Daad loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here