Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay Boosaaso waxaa uu kaga hadlay sida ciidamada amaanka ay uga falceliyeen weerarkii alshabaab ku qaaday Xabsiga Boosaaso, wuxuu xusay in dhib loo geystay dagaalamayashaas.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay dowladu la xisaabtami doonto kuwii ku lug lahaa falkan halka kuwii ka daba tagayna dowlada siin doonto abaal marin.

Madaxweynaha ma sheegin tirada Rasmiga ah ee Xabsiga Boosaaso ka baxsatay mana xusin tirada rasmiga ah ee ilaa hada la soo qabtay, sidoo kale Madaxweyne deni ma beenin tirada alshabaab ay sheegatay inay siideysay oo ay ku sheegeen inkabadan 400 oo maxbuus.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ka degay Boosaaso isaga oo xiran dareyska Ciidamada saacado uun ka dib markii xabsiga uu ka dhacay weerar xoog leh oo ay alshabaab sheegatay Masuuliyadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here