Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan isugu yeeray wasaaradaha qaabilsan wax soo saarka dakhliga dowladda.

Kulanka ayaa ahaa mid ku aadan is xog wareysi dhanka dhaqaalaha Puntland, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradaha maaliyadda, ganacsiga, deegaanka, dekedaha, beeraha, kalluumeysiga iyo xannaanada xoolaha.

Shirka muddadii u socday ayaa si wayn looga dooday sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda dakhliga wasaaradaha qaabilasana ay dadaal dheeri ah ku bixiyaan dakhliga si ay dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.

Ugu dambayn shirka ayaa laysku raacay in wasaaraddaha dakhliga qaabilsan ee dowladda Puntland ay keenaan qorshe kor loogu qaadaayo dakhliga, isla markaana la isuhu yimaado kulan dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here