Madaxweynaha Puntulaand Saciid Deni oo Madaxda Dowladda uga digay Mudo kororsi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulalaahi Deni ayaa sheegay in aan dowladda federaalka ah ee haatan laga aqbaleyn muddo kororsi, isaga oo sheegay in dadka Soomaalidu keliya heshiis ku yahay in afartii sanaba mar ay doorasho dhacdo.

Madaxweyne Deni, waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyey in iyadoo waqti doorashada ay dhow dahay aysan sameyn hannaan doorasho, waxa uu sheegay in Puntland ay aragti ka yeelaneyso sida ay noqon doonto doorashada soo socota ee 2020-ka.

“Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. Ayuu yidhi Deni.

Dhinaca kale madaxweyne Deni ayaa taageeray doorashadii Jubbaland ee lagu doortay Axmed Madoobe, wuxuuna ugu baaqey dhinacyada kale in ay is afgarad lagu dhammeeyo khilaafyada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064