MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad koob iyo bilado lagu gudoonsiiyay labadii koox ee isugu soo haray tartankii Maamul Goboleedyada Soomaaliya Galmudug iyo Hirshabelle.
Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa munaasabada wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabada wuxuu koobkii tartanka ku gudoonsiiyay kooxda Galmudug sidoo kale bilado ayuu gudoonsiiyay kooxda Hirshabelle .
Ciyaaryahan Diini oo Galmudug ka tirsan ayaa isagana la gudoonsiiyay ciyaaryahanka ugu wanaagsan tartankii dhanaaday.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Previous articleGacan ku dhiiglihii xaaskiisa gubay oo u gacan galay Sirdoonka Qaranka
Next articleAabe C/casiis  muxuu ka yiri soo qabashada ninkii gubey gabadhiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here