Madaxweynaha Muuse Biixi oo si kulul uga jawaabay Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay dood cilmiyeed ku saabsaneyd arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeedinayey doodadaasi ayaa sheegay in Somaliland aysan go’in karin, islamarkaana ay midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah.

Muuse Biixi Cabdi oo isna u jawaabayey Farmaajo ayaa yiri “Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo|) uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”. ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here