Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhaw ka dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo maalmihii u danbeeyay laga waday qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Dadweyne aad u badan,masuuliyiin kala duwan iyo saraakiil Ciidan ayaa madaxwenaha si weyn waxay ugu soo dhaweeyeen Magaalada Maxaas.

Advertisement

Wasiirka Batroolka Dowlada Soomaaliya,Madaxweyne Xigeenka Maamulka  Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo Siyaasi Cali Jayte ayaa qeyb ka ahaa madaxdii soo dhaweysay Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh ayaa u tagay Maxaas sidii uu halkaasi uga sii wadi lahaa hogaanka dagaalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE,COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here