Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dabayaaqada bishan December uu booqasho ku tago magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka.

 

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah kuwa ugu ballaaran dhigooda kasoo jeeda Afrika, isagoo kula hadlaya xarunta shirarka ee Minneapolis.

 

Waan ku faraxsanahay inaan martigelinno mudanaha 15-ka December,” ayay tiri Ifraax Cabdullaahi, maareeyaha shaqooyinka xarunta dib u dejinta Soomaalida, kana mid ah qabanqaabiyeyaasha booqashada madaxweynaha.

 

Madaxwaynaha  Soomaaliya ayaa booqan doona Minneapolis kadib safar uu ku tagayo Washington, halkaas oo Joe Biden uu ku martigelinayo Shir Madaxeedka Mareykanka iyo Afrika inta u dhexeysa 13-ka illaa 15-ka December. “Waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan Hogaamiyaasha Midowga Afrika iyo 49 dal oo lagu casuumay oo ay ku jirto Soomaaliya.

 

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa horay u soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017 ka hor inta uusan ku guuleysan muddo xileedka kale oo uu xafiiska la wareegay May 2022.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here