Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay soo wicitaankiisa iyo dareenka murugada leh uu u muujiyay markii uu dabku qabsaday Suuqa hargeysa

Madaxaweynaha JSL waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Farmaajo oo khadka telefoonka ka soo tacsiyeeyay shacabka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Madaxtooyada Somaliand.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa fariin mahad celin u soo diray RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu u mahad-celinayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mohamed Hussein Roble oo khadka telefoonka uga tacsiyeeyey Shacabka Somaliland dhibkii soo gaaray Suuqa Hargeysa Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadinayaa Shacabka Soomaaliya oo ka xumaaday khasaarihii gaaray Suuqa Hargeysa” ayaa sidoo kale la soo dhigay barta Twitterka ee maaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here