Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka jawaabay dhalleeceynta Reer Galbeedka ee ku aadan xayiraadda siyaasadeed ee lagu soo rogay duqa magaalada Istanbul kahor doorashooyinka guud ee sanadka dambe.

 

Maxkamad ayaa toddobaadkii tegay ku xukuntay Ekrem Imamoglu in ka badan laba sano iyo bar xabsi ah, waxayna ka mamnuucday inuu xil qabto sababo la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul dowladeed” 2019-kii.

 

Kiiska ayaa ka dhashay doorasho muran badan dhalisay oo guushii hore ee Imamoglu la naskahay, kahor inta aan lagu celin oo uusan mar labaad ku guuleysan.

 

Imamoglu ayaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ay suurtagalka tahay inuu Erdogan kaga adkaan karo doorashada madaxweyne ee 2023.

 

Duqa magaalada Istanbul oo 52 jir ah ayaa xilka sii hayn doona illaa laga soo geba-gebeynayo kiiska racfaanka.

 

Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamisay dhalleeceyn caalami oo ka dhan ah maxkamadeynta.

 

Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyad-jabtay” halka Jarmalka ay ugu yeereen “jug culus oo gaartay dimoqraadiyadda.

 

Hase yeeshee madaxweyne Erdogan ayaa maanta u sheegay taageerayaashiisa in quwadaha shisheeye ay isku dayayaan inay kiiska u adeegsadaan inay ku faro-geliyaan siyaasadda Turkey kahor doorashada.

 

“Ma aragtaan injineerada siyaasadeed? Ma aragtaan quwadaha shisheeye ee dambi shaqsiyeed u adeegsanaya inay ku maamulaan siyaasadda dalkeena?” ayuu Erdogan weydiiyey taageerayaashiisa.

Xukunka lagu riday Imamoglu ayaa kumanaan kun oo taageerayaashiisa ah isugu keenay waddooyinka magaalada Istanbul.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here