Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashada madaxtinnimo, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee uus saakay shaaciyay guddiga doorashada.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Goobaha codbixinta waxay gaarayaan 34, 684.
Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in natiijada doorashada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyadoo intenet-ka laga demiyay dalkaas.

Madaxa guddiga Simon Byabakama, ayaa sheegay inay adeegsanayaan hannaan gudaha ah oo lagu gudbinayo natiijada, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah.

Hugaamiyaha Mucaarada ee ugu weynDalka Ugandha Bobwine ayaa waxaa uu sheegey in militeriga Dalka ay soo weerareen Gurigiisa sida uu ku daabcay Bartiisa Tweterka.

Mr Bobwine Ayaa muuqaal baahiyaha Al Jazeera u Xaqiijiyey in Guud ahaamba Gurigiisa ee kuyaala magaalada Kambala ay la wareegeen Militeriga inkastoo uusan Faafaahin kabixin.

Qaar kamid ah Korjoogtada Caalamiga ah ee Doorashada ayaa waxaa la warineyaa in ay qaadaceen Sida imika ay wax u socodaan waxaa ka loo jira in Bob Qu dhiisa uu shaaciyey in lagu shubtey Doorashada.

Dhinaca Af hayeen u hadley Militeriga Ugadha ayaa waxaa uu sheegey in warka Murashax Bob uu yahay Been islamarkaana aaney jirin Ci gurigiisa tagtey oo kamid ah Ciidamada.

Waxaa laga Cabsi qabaa in Dooradhada ay Rabshado hareyaan in kastoo wali ay socoto tirinta Codadkii la dhiibtey oo ilaa iyo hadda aaney Cidna lagu dhawaaqin in ay ku guuleysatey Doorashada.

Ma isticmaaleyno internet-ka gudaha inaan ku gudbinno natiijada. Waxaan adeegsaneynaa hannaankeenna gaarka ah. Ha walwalina, natiijada waa la heli doonaa iyadoo uu intenet-ku xiran yahay.” Ayuu yiri. By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here