Madaxweynaha Ruushka Volodymyr Zelensky ayaa codsaday in dalkiisa la siiyo hubka casriga ah ee difaaca gantaallada si uu dalkiisa uga hortaggo weerarada Ruushka.

Wuxuu sheegay in dalkiisa lagu soo riday in ka badan 2,600 gantaal tan iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Wuxuu sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay qalabka difaaca gantaallada ee Israa’iil iyo qalab kale ee uu leeyahay Mareykanka ee American Patriot batteries.

Gantaallada Ruushka ayaa ku hoobanayay Ukraine tan iyo markii uu bilowday dagaalka halka qaar badan la qabtay.

Qalabka difaaca hawada oo kaliya ah uma baahno Ukraine, waxay codsanayaan in la siiyo hub badan sida madaafiicda xilli uu dagaal xooggan ka socdo gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Dhiig badan ayaa ku daadatay dagaalka ka socda magaalada Severodonetsk iyadoo labada dhinac uu gaaray khasaare.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here