KIEV (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo ka jawaabayay soo jeedintii Putin ee ahay inay wada hadal ku yeeshaan Moscow si ay uga wada hadlaan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka ayaa si cad u diiday inuu tago caasimada Ruushka ee Moscow.
Volodymyr Zelensky wuxuu daboolka ka qaaday hadal jawaab u ahaa soo jeedinta Putin kaasoo ah inuu isna ugu yeero inuu Putin yimaado caasimada Ukarine ee Kiev,sidoo kale wuxuu mar kale sheegay inuusan tagi doonin magaalada argagaxisada isagoo ula jeeda caasimada Ruushka ee Moscow.
“marka aad rabto inaanan kulmin waa inaad igu casuuntaa Moscow”ayuu yiri Zelensky
Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku eedeeyay Putin inuusa ilaa hada diyaar u ahayn inuu joojiyo dagaalka,sidoo kale wuxuu xusay in hadalka ah in Moscow lagu shiro ay la macna tahay yaan la isu iman.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
