Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay inuu booqday magaalada Avdiivka oo weeraro joogto ah kala kulantay ciidamada Ruushka.

Advertisement

Wuxuu ku tilmaamay inay tahay “mid ka mid ah meelaha ugu adag ee,”weeraradu ka dhaceen.”.

Zelensky waxa uu sheegay in uu shakhsi ahaan u mahadcelinayo ciidamadiisa isagoo ku booriyay bahaida loo qabo in ay dalka difaacaan.

Ukraine ayaa maanta wajahday weerarro xoogan dhanka cirka ah oo Ruushku ku qaaday qaybo badan oo ka mid ah dalkaas,waxaana isa soo taraya khaasaraha ka dhashay weerarada oo sidoo kale gaystay burbur baaxad leh.

Xigasho BBC

 

 

Previous articleMacawisleey ka tirsan Beesha Waceysle iyo Gaadiid Dagaal oo Maanta Muqdisho laga sagootiyay
Next articleCiidamada Ruushka oo  Ukraine Saacadihii ugu danbeeyay Sanadka Cusub Weeraro xoogan u geystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here