Wararka ka imaanaya saakay magaalada Kinshasa eedalka Koongo ayaa sheegaya in xalay waqti danbe uu gaaray halkaas Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

safarkiisa ayaa Madaxtooyadu ku sheegay inuu yahay mid shaqo oo qaadanaya labo maalmood, kuna saabsan kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xagjirnimada.

Sidoo kale safarkan ayaa sheegeysa in ujeedkiisu yahay dadaal uu Farmaajo ugu jiro inuu aqoonsi ugu helo dalalka Afrika labada sano ee uu ku darsaday muddo xileedkiisii dhammaaday 8-dii Febraayo 2021, kadib markii ay ka hor yimaadeen dalalka reer Galbeedka ee Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here