MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Woqooyi-bari, C/qaadir Firdhiye ayaa ku soo wajahan Muqdisho, halkaasuu wada-hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Shiikh, xili arimo siyaasadeed uu kala hadli doono Madaxweynaha.
Warar ku dhaw dhaw Firdhiye ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Xasan kala hadlayo xurgufta ku saabsan mashaariic dhawaan laga reebay Maamulka Waqooyi Bari inkastoo sababta ay sharaxadya Wasaarada arimaha gudaha Somalia.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha kala hadlo kabista dhaqaalaha Maamulka Waqooyi bari oo wali Firdhiye uusan ka helin Dowlada.
Dhanka kale qorshaha Firdhiye uu ku imaanayo Muqdisho iyo kulamada uu doonayo inuu la qaato Madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeysa xili maalmo kadib sidaan uu kale uu kulamo kula balansan yahay madaxtooyada Mucaaradka Golaha Mustaqbalka walow ay shuruudo ku xireen islamarkaana ay u badan tahay inuu baaqan doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
