Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guushiisii ugu weyneyd gaaray isagoo ku guuleystay in uu shir gudoomiyo labo maalin Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxweyne Maamul Goboleed eek ala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, wuxuuna ka dhabeeyay qeybta hore ee Halku dhigiisii doorashada “Somaali Heshiis ah, Dunidana heshiis la ah”

Shirka labada Maalin socday ayaa arimo sal u ah Balanqaadkii Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh lagu falanqeeyay iyadoo ugu danbeeyn laga soo saaray warsaxaafadeed dhamaan ay saxiixeen dhamaan ka soo qeybgalayaashii Shirka Golaha Wadashiga Qaranka.

Sida ku cad Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirka Golaha Wadashiga Qaran ayaa lagu sheegay in Shirkaan uu sigu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka soo qaybgaleen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Saciid Cabdullaahi Deni (Puntaland) Mudane Axmed Maxamed Islaam (Jubbaland), Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) (Koofur Galbeed), Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) (Galmudug), Mudane Cali Guudlaawe Xuseen (Hirshabeelle) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Ujeedada Shirka ayaa lagu tilmaamay in laga anbaqaadayay hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah” ujeeddada ugu wayn ee shirka uu ahaa; sidii loo xoojin lahaa hannaanka wada shaqaynta iyo wadatashiga oo ay ku dheehan tahay niyad wanaag, kalsooni iyo is-aaminaad. In Goluhu isla meel dhigo arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 – 2026.

Xogta aan ogaanay ayaa ah in dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo u xiisay Shirkaan oo kala ay aad ugu mahad celiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu isugu yeeray si guul ahna loo qabtay Shirka Golaha Wadashiga Qaran, waxayna magaca golaha ugu hanbalyeeyeen in mar labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyagoo Alle uga baryay inuu waajibaadka qaran u fududeeyo, waxayna iyagoo isla joogo u balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay falanqeyn ku sameeyay labo iskuna raacay qodob oo waaweyn kuwaasoo kala ah;

1 : DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaran gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:

Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.

Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

II. XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.

Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

Waxaa xusid mudan in Maanta Golaha Wadashiga Qaran uu warbixin xaalada Abaaraha Dalka ka jira ka dhageystay Ergaga gaarka ah ee Madaxweyneaha ee Arimaha Abaaraha Mudane C/raxmaan C/shkuur Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here