Xasan Sheekh malaga yaabaa in Beesha Murusade Sida Galmaax ku casuumo Madaxtooyada kana garaabo Dulmiga uu ku sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada ku casuumay Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha Galmaax Yoonis, waxa uuna uga garaabay ballantii uu uga baxay ee aheyd in uu siinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Siyaasiyiinta Galmaax iyo odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh farta ka saaray liis xilal ay beesha ka dooneyso dowladda uu hoggaamiyo, waxa uuna Madaxweynaha u ballanqaaday in uu siin doono inta karaankiisa ah xilalka ay dalbadeen si ay u qancaan.

Beesha Murusade ayaa kamid ah beelaha uu dulmiyay ballamo badana uga baxay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse beeshan ayaan laheyn siyaasiyiin u hadla oo raadiya xaqa ka maqan taas oo meesha ka saareysa in Madaxweynaha usoo dhega nuglaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here