Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed [Farmaajo] ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu u ambabaxo Magaalada Kinshasa ee Caasimada Dalka Koongo, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dalka Koongo, Félix Tshisekedi.

Madaxweynaha Dalka Koongo, Félix Tshisekedi ayaa wada qorshe lagu dhex dhexaadinayo Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa doonaya in uu ka shaqeeyo sidii markale dib loogu soo celin la haa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Dowladdaha dariska ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayee aheyd markii Maxkamadda ICJ ay soo gaba gabeysay dhageysiga murun dhanka badda ee u dhaxeeya labada Dowladod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here