DegDeg: War hadda soo Gaaray Dayniile.com ayaa sheegaya in bartilmaameedka Farmaajo amray in la weeraro uu yahay mid kamid Xarunta ololaha ee Musharrax Xasan Cali Kheyre iyo in weerarkaas lagu soo qabto ama lagu qaarajiyo Sarkaal Ismaaciil Gurey oo Maraykanku tababaray.

Farmaajo wuxuu sheegay Maskaxda ka dambaysa isku duba ridka Ciidanka Musharaxiinta iyo shaxdoodaba in uu leeyahay Taliyihii hore ee Danab Ismaaciil Gurey oo Farmaajo rabitaankiisa markii horeba xilka looga qaaday loona xiray.

Ismaaciil Gurey oo ah Sarkaal Khibrad sare iyo tababarraba ka heysta howl galinta iyo Isku duba ridkooda Maraykana lagu soo tabbaray ayuu hadda Farmaajo u arkaa fallaar wadnaha kaga taagan oo uusan ka gam’i karin.

Weerarka waxaa loo qorsheeyey in Hotel Jazeera Ciidanku marka hore ay la wareegaan, kadibna Kheyre Xaruntiisa la weeraro iyadoo Gaashaanle Ismaaciil Gurey-na la bartilmaameedsanayo.

Gen. Indhacadde, Muusa Suudi iyo Musharaxiinta oo iyaguna ku lammaanan Xildhibaanadda Mucaaradka ah in la weeraro ayey xogtu timaamaysaa, amarka weerarkaas waxaa bixiyey Madaxweynaha uu dhammaaday Muddo xileedkiisa.

Weeradadu in Caawa ay dhacaan ayaa loo badinayaa balse todobaadkan qatartu way taagan tahay.

Warkan wixii kasoo kordha adiga ayaa ugu horreeya cidda ogaato ee IlaJoog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here